Soo dhawoow!

Gabar yar oo gashan kaba cas ayaa ku ciyaaraysa bacaadka iyo baaldiyo biyaha xeebta.

Haweeney ayaa koob/bakeeri jaale ah galinaysa sanduuqa qashinka ee cagaaran ee yaal dhabaha.

Maxaa Socda?

null

Waaxda Adeegyada ee Seattle waxay cusbooniinaysaa Qorshaha Ganacsi ee Qorsheeyey (Istaraajiikeed). Tani waxay caawinaysaa inaan dhextaala ka dhigno (diirada saarno) macaamiisheena iyo bulshooyinka shaqada aan qabano oo aan maamulno ballanqaadkeena maaliyadeed. Cusbooneysiintu waxay:

  • Milicsan jawaab celinta macaamiisha iyo bulshada sida aanu u wajahayno shaqadeena
  • Dhisi hindisayaasha iyo maalgashiga la tilmaamey
  • Bixin hufnaan ku saabsan isbadalka biilka adeegyada 3 sano ee soo socda
  • Dib u cusbooneysiin cabirka waxqabadka

Waxaanu usoo gudbin qorshe la cusbooneysiiyey Duqa Magaalada Seattle iyo Goleha Deegaanka inay meel-mariyaan (taageeraan)

Jadwalka La cusbooneysiiyey ee Istaraajiidada Qorshe ee Ganacsi

Agoosto 2023-
Aktoobar 2023

La xiriirid iyo Aruurinta Falcelinta Bulshada

Nofeembar 2023-
Febraayo 2024

Sameynta Qorshe La cusbooneysiiyey

Maarso 2024-
Juun 2024

Hawlgalinta iyo Daabicista Qorshaha

Maxay tahay Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Seattle (SPU)?

Maxay tahay Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Seattle (SPU)?

Maalinkasta SPU waxay qabataa adeegyada lagama maarmaanka ah, ee nolosha ilaalinta iyadoo la ilaalinayo caafimaadka dadweynaha iyo deegaankeena si loo hubiyo bulshooyin caafimaad qaba. SPU waxay u heellannahay in si siman loo maamulo biyaha iyo kheyraadka qashinka si loo ilaaliyo deegaankeenna jiilasha soo socda.

Miyaadd dooneysaa inaad waxbadan ka barato SPU? Bal eeg webseytka

Ujeedka Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Seattle: Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Seattle waxay kobcisaa dadcaafimaad qaba, deegaanka, iyo dhaqaalaha anagoo kaashanayna bulshadeena si'aanu si siman ugu maamulno biyaha iyo qashinka maanta iyo jiilalka soo socda.

Maxay yihiin adeegyada muhiimka ah ee Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Seattle?

Maxay yihiin adeegyada muhiimka ah ee Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Seattle?

Waxaanu maamulnaa oo ilaalinaa bulaacadaha, tuuboobooyinka fatahaada (daadka), biyaha la cabbo, iyo adeegyada qashin ururinta ee dadka deegaanka iyo ganacsatada ee Seattle ku yaal. Naqshadeena, dayactirka, iyo hawlaha dhismuhu waxay xaqiijinayaan inaan bixin karno adeegyo lagu kalsoonaan karo dadka deggan, ganacsiyada, iyo booqdayaasha.

  • Biyaha Lacabo:Biyo amaan ah oo nadiif ah oo la cabbo oo laga helo biyo-biyoodyada buuraha ee la ilaaliyo
  • Tuubooyinka Daadka & Bulaacadaha: Bulaacada iyo adeegyada biyo-mareenka ee ilaalinaya caafimaadkaaga oo yaraynaya soo rogmashada, daadka, iyo wasakhowga
  • Qashinka, Dib u warshadeynta & Haraaga-Cuntada: Ururinta qashinka, daadista, iyo barmaanijyada dhimista
  • Magaalo Nadiif ah:Qaadista qashinka, qoraalada, cirbadaha, qashin-qubka sharci darrada ah, iyo khataraha kale si Seattle ay u noqoto mid nadiif ah oo ammaan ah

Sanadkasta, waanu ka shaqayn karnaa:

  • Gudbinta 40+bilyan gaaloon oo biyo lacabo ah
  • Joogteynta1,200+meyl oo ah tuubooyinka bulaacadaha iyo1000+meyl oo ah godadka biyo-mareenka iyo tuubooyinka
  • Agaasimid22+milyan qaadista qashinka guriga, dib u warshadaynta, iyo habeynta haraadiga cuntada (compost)
  • Saarista5+milyan rodol oo qashin ah iyo qashin ka soo baxa goobaha dadweynaha
  • Bixinta 50+barmaanijyo macmiil si'aan ula macaamilno adiga iyo bulshooyinka
  • Iyo waxbadan oo kale!
Waa maxey Qorshaha Ganacsi ee Istaraatijiyeed?

Waa maxey Qorshaha Ganacsi ee Istaraatijiyeed?

Qorshaha Ganacsi ee Istaraatijiyeed wuxuu qeexayaa mudnaanta Adeegyada biyaha iyo qashinka, bixinta adeegga, maalgelinta, iyo isbeddelada heerarka isticmaalka. Waa hagis sida Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Seattle waxay la shaqayn doontaa bulshadeeda; abaabuli, maalgalini, iyo qiimeyn nafteena; oo aan u hurno nafteena sinnaanta, la awoodi karo, iyo ilaalinta deegaanka.

Qorshaha Istaraajiyadeed ee Ganacsi wuxuu leeyahay afar aag oo muhiim ah

  • Gudbin adeeg aasaasi ah Bixib biyo nadiif ah oo qasabad ah, yareeyn qashinka iyo xashka, maamulista biyaha wasakhda ah iyo biyaha duufaanka, una jawaabista macaamiisha.
  • Dhowrista deegaanka iyo caafimaadka Dhowrista ilaha biyaha, kordhinta maalgelinta isku dhafan oo loo siman yahay ee maaraynta iyo nidaamyada biyaha, iyo yarenta wasakhda Seattle iyo wasakhowga kaarboonka anagoo gacan ka geysanayna isbadalka (hagaajinta) dhaqaalaheena.
  • Awoodsiinta macaamiisha, bulshada iyo shaqaalaheena. Kor u qaadista helitaanka adeegyada tamarta, iyo la shuraakowga ururada bulshada si loo kordhiyo nolosha iyo fursadaha maxaliga ah. Beerista iyo kor-uqaadista shaqaale kala degan oo firfircoon.
  • Adeynta dhaqamada ganacsi. Kor u qaadida qiime bixiyaha iyadoo lala qabsanayo iyo hal-abuurka ku leh bixinta adeegyada iyo maaraynta hantida iyo khatarta.

Hubi haatan 2021–2026 Qorshaha Ganacsi ee Istaraatijiyadeed si'aad wax badan uga barato.

Waa maxay Qorshaheena Istaraajiyadeed ee Ganacsi ee u baahan cusbooneysiin?

Waa maxay Qorshaheena Istaraajiyadeed ee Ganacsi ee u baahan cusbooneysiin?

Waxaan cusbooneysiineynaa qorshahan saddexdii sanaba mar si'aanu hubinno in diiraddayadu ay la socoto baahiyaha hadda jira ee bulshada aan u adeegno iyo in aan siino macaamiisheena saadaalinta iyo isbeddellada xasilloonida ee heerarka isticmaalka Cusbooneysiinta xigta waxay dhacaysaa inta lagu jiro 2024, iyo waxaanu rabnaa inaan gacan ka gaysato qaabeynta mustaqbalka adeegyadaada tamarta dadweyne.